Madaxweyne Xasan Sheekh oo Darajadii Ciidan dib ugu soo celiyay Jen. Cabdalla Cabdalla.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo celiyey darajadii iyo xuquuqdii ciidan ee uu lahaa Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ahaa taliye ku xigeenkii hore ee Haya’adda Nbadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA).

Wareegto uu caawa soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu go’aankan ku shaaciyey, iyadoo loo cuskaday Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sarreeye Cabdalla Cabdalla ayaa darajooyinka laga qaaday, lagana saaray ciidanka kadib khilaaf dhexmaray isaga iyo taliyihii hore ee Nabadsugidda Fahad Yaasiin, wuxuuna ka mid ahaa saraakiil uu madaxweyne Farmaajo kula kacay tacadiyo xuquuq ka qaadis ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale 15-kii August wuxuu xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan oo uu horey uga qaaday madaxweynihii ee Farmaajo.