Saxafiyiinta Muqdisho oo dalbaday in Shuruud la’aan lagu sii daayo Xoghaye Cabdalla Muumin.

Qaar ka mida Saxafiyiinta iyo ururrada Saxaafadda oo isu soo bax ka dhigay magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in si degdega oo shuruud la’aan ah loo sii daayo xoghayaha ururka SJS Cabdalla Muumin Axmed oo shalay xirteen ciidamada Hay’adda NISA.

Xoghayaha tababarrada SJ, Hanad Cali Guuleed oo ah ayaa si adag u cambaarreyay falka lagu xiray Cabdalla Axmed Muumin, waxa uuna dalbaday dowladda joojiso caburinta iyo u caga jugleynta ay ku bilaaabeeen warbaahinta madaxa babnaan, isagoo dalbaday in shuruud la’aan xoriyadiisa loogu so celiyo Cabdalla Muumin.

Maxamed Cabdiwahaaab oo ka mida masuuliyiinta Ururka Saxafiyiinta Somaaliyeed ee SOMA ayauuna sheegay inay si adag kaga soo hoorjeedaaan xariga sharci darrada ah ee loo geystay xogahayaha SJS, wuxuuna dalbaday madaxda dowlada in si sharuud la’aan u soo daayaaan oo ay xuriyadiisa u soo celiyaan.

Ciidamo ka tirsan Hay’adda NISA ayaa shalay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabtay xoghayaha Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed Cabdalla Axmed Muumin oo u socdaalayey dalka Kenya, iyadoo aan weli la sheegin sababta loo xiray iyo waxa lagu heysto.