C/llaahi Goodax: “Suuragal maaha in Qabiilka Xawaadle Dabka la saaro, inta kalena…”

Wasiirkii hore ee Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya iyo ka mida Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle ayaa dhaliil u jeediyay dhinacyda dowladda, maamullada iyo beelaha kale, isgoo ka hadlay dagaalka Alshabaab ka wado Gobolka Hiiraan.

Muuqaal uusoo duubay ayuu C/llaahi Goodax ku sheegay inaysan macquul ahayn in Alshabaab kumanaan ciidan isugu keeno dagaalka Hiiraan, isla markaana degaannada kale aanu wax dagaal ah ka socon.

“Hal qabiil inuu waddanka ka dagaalamo, inta kalana ay riwaayad dhigto macquul maaha..Ma anfaceyso in Qabiilka Xawaadle Dabka la saaro…” ayuu yiri siyaasiga C/llaahi Goodax oo eedeyn u jeediyay ciidamada dowladda iyo AMISOM, wuxuuna caddeeyay in ilaa dagaalkii Ceel Qooxle ay jalaafooyin ku socdeen reer Hiiraan.

Xildhibaannada iyo Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle ayaa bilaabay inay cod dheer uga hadlaan dagaalka ka socda Gobolka Hiiraan, iyagop dhaliilo u kahala diray dowladda iyo, maamullada iyo beelaha kale ee hiilka laga wareaayay.

HOOS KA DAAWO