Madaxtooyada Somaliya oo shaacisay inuu Xasan Sheekh qaatay Shahaadda PHD iyo Jaamacadda..

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay war ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaatay shahaadada PHD ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si online ah ku dhigtay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay, isagoo u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacaddaasi oo uu ku bogaadiyey heerka uu gaaray.

Waxaa Jaamacaddan dhigta siyaasiyiin badan oo Soomaaliya oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood dhowaan ka qalin jebinaya.

Xasan Sheekh ayaa laga soo xigtay in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare laga dhaafay lacagta Shahaadada, iyadoo miisaaniyadda dowladda laga maalgelinayo xaqiijinta xuquuqdan aas-aasiga ah.