(Sawirro) Muxuu Laftagareen kala hadlay xubnaha aqalka sare ee ka soo jeeda K/Galbeed?

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Kulanka Madaxweynaha iyo Senetarada waxaa looga hadlay Arimaha u gurmashada Dadka ay Abaartu Saamaysay iyo Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa u sheegay Senetarada uu la kulmay iney kaalintooda ka qaataan sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka ka jira degaanada Koonfur galbeed.

Senator Aadan C/naasir oo ka mid ahaa xubnihii la kulmay Laftagareen ayaa sheegay in Xubin kasta oo ka mid ah aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka uu xil gaar ah ka saaran yahay matalaadda danaha Dowlada xubinta ka ah Dowladda Federaalka ee uu matalayo iyo inuu ilaaliyo nidaamka Federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi Federaalnimo.

Marka Anagoo ah Senetarada Deegaan Doorashadooda tahay Dowladda Koonfur Galbeed waxaa sharaf ino ah inaan soo gaarno magaalada Baydhabo, waxaa kulan muhiim ah la qaadanay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicaziz Laftagaren wuxuna warbixin waafi ah inaga siiyay xaalada Siyaasada, Amniga, Abaaraha iyo Guud ahaan Dowlad Goboleedkaā€¯ ayuu yiri Senator Aadan C/naasir

Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ayaa gaaray magaalada Baydhabo ka dib markii 14kii bishan goluhu galay fasaxa kalfadhiga 1aad ee Aqalka Sare