Liiska Magacyada Xildhibaanada Somali-Kenyan ee loo doortay Baarlamaanka cusub ee Kenya.

Doorashada guud ee dalka Kenya ka dhacday 9-kii Ogost 2022, waxaa lagu soo doortay xildibaanno iyo Senatooro ka mid noqday Baarlamaanka labada aqal ka kooban e dalka Kenya.

Xubnaha soo baxay waxaa ka mida siyaasiyiin hore oo caan ah iyo kuwa cusub, waxayna ka kala tirsan yihiin isbaheysiga iyo xisbiyada dalka Kenya ee ay ugu waaweyn yihiin ODM (AZIMA) oo uu hoggaamiyo Raila Odinga iyo UDA oo uu hoggaamiye William Ruto.

Liiska xildhibananada Xisbiga Raila odinga, waxaa ka mida:

Faarax Macalin Dawaare– 10 sano ah kaddib ayaa dib loogu doortay xildhibaanka degmada Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, wuxuu ku tartamayay xisbiga Raila Odinga.

Faadumo Cabdi Jeexow- waxay ku guuleysatay kursiga wakiilka haweenka ee Wajeer, waxay ka guuleysatay haweenydii horay xilkaasi u haysay ee Faaduma Geedi. waxay ka tirsa tahay xisbiga ODM Raila Odinga.

 Maxamed Aadan Khaliif– wuxuu ku guuleystay kursiga Duqa Mandheera, wuxuu ka tirsan yahay xisbiga UDM ee Raila, wuxuu doorashada kaga adkaaday ilaa saddex musharrax oo la tartamayy.

Cabdul Khaadir Maxamed Yuusuf Xaaji– wuxuu ku guuleystay sanatarka Gaarisa, wuxuu ka tirsanaa isbaheysiga uu horkacayo Raila Odinga.

 Junet Maxamed– waa nin si weyn ugu dhaw Raila Odinga, wuxuu ka tirsan yahay isbaheysiga Raila Odinga ee Azimio, wuxuu markii saddexaad ku guuleystay kursiga xildhibaanimo ee deegaanka baarlamaaneedka Sunna ee ka tirsan Migori Galbeedka Kenya. Waxa doortay Dad aan Soomalai ahayn Soomaali.

Yuusuf Xasan- Xildhibaanka degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi oo ay xaafadda Islii ka mid tahay markii afaraad ayuu ku guulaystay kursiga. Yuusuf Xasan wuxuu xubin ka yahay xisbiga Jubilee ee haatan ka tirsan isbaheysiga uu hoggaamiyo Raila Odinga.

Axmed Cabdullaahi (Axmed Jiir): wuxuu markii labaad ku guuleystay kursiga Duqa magaalada Wajeer, wuxuu ka tirsan yahay xisbiga ODM ee isbaheysiga Azimio.

Nadiif Aadan Jaamac: Waxaa loo doortay Duqa magaalada Gaarisa, wuxuu ka tirsan yahay xisbga UDM ee taageersan Raila Odinga.

Cali Roba Ibraahim: waxaa loo doortay Senatoorka Mandheera, wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga UDM ee Raila Odinga.

Cabbaas Maxamed Sheekh: waxaa loo doortay sanator-ka Wajeer, wuxuu ka tirsan xisbiga UDM ee taagersan Raila.

Mohamed Addow: Waxaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo laga soo doortay Koonfurta Wajeer, wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga ODM ee Raila hoggaamiyo.

Axmed Khaliif Aadan: Duqa Magaalada Mandhera, wuxuu ka tirsan yahay Isbaheysiga UDM ee Raila Odinga.

 Liiska siyaasiyiinta kusoo baxay xisbiga William Ruto

Aadan Barre Ducaale-ayaa kursigiisii dib u hantay. Waxaa laga soo doortaa magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya. Wuxuu saaxib dhaw u yahay William Ruto, wuxuu ka tirsan yahay xisbiga UDA.

Xuseen Cabdi Barre-Waxaa laga soo doortay deegaanka Tarbaj ee hoostaga magaalada Wajeer, wuxuu kusoo galay xisbiga UDA ee madaxweyne ku xigeenka William Ruto.