Xildhibaanno Somali-Kenyan ka mid ahaa Isbaheysiga Raila Odinga oo biiray dhinaca Willaim Ruto.

Xisbiga United Democratic Movement oo ka mid ahaa isbaheysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Azimio La Umoja ee Raila Odinga ayaa ku biiray oo taageray madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto iyo Isbaheysigiisa.

Hoggaamiyaha Xisbiga UDM ahna Senator laga soo doortay Mandheera Ali Roba, ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga ahna gudoomiyaha la doortay ee Marsabit Maxamuud Cali iyo gudoomiyaha laga soo doortay Mandheera Maxamed Aadan Khaliif ayaa tegay xarunta Madaxweyne ku xigeenkam halkaasoo oo lagu soo dhoweeyay, wxayna shaaciyeen inay isaga tageen Isbaheysigii Raila, kana mid noqdeen taageerayaasha William Ruto iyo isbaheysigiisa Kwanza.

Xubnaha kale ee Xisbigan ka mida ee ku biiray dhinaca Ruto, waxaa ka mida: Guddoomiye ku xigeenka la doortay ee Mandera Cali Macallin, Wajeer Sen-Elect Abbas Sheikh, MPs Umulkheir Kassim (Mandhera), Bashir Abdullahi (Mandhera N.), Kullow Hassan (Banisa), Joseph Lekuton (Laisamis), Mangale Munga (Lunga Lunga). , AbdulEnrahim Haro (Mandera S.) iyo Aadan Xaaji (Mandera W).