RW Xamza oo Xubnaha Golaha Wasiirada ka dalbaday inay shaqeeyaan Habeen iyo Maalin.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa soo xiray seminaar Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u socday muddo laba maalmood ah.

Wuxuu ku xubnaha Golaha Wasiirrada ku adkeeyey in ay si daacadnimo leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, horseedna u noqdaan isbeddel muuqda oo ka hana-qaada dalka, isagoo ka dalbaday inay habeen iyo maalin shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in xafiiskiisu uu gacan buuxda ku siinayo dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda sida ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qaran, isagoo kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladnimadooda, taas oo ku imaanaysa xaqiijinta amniga, bixinta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad gaarsiisaan himiladooda, xaqiijisaanna kalsoonidooda, taas oo aan rajaynayo in aan ku guuleysanno. Xafiisku Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka shaqeynayaa xiriirinta, toosinta iyo xoojinta Hay’adaha Dowladda, wixii qabyo ah ka ah hay’adaha dowladda waa inaan qabyo tirnaa, wixii wax u bilaaban yihiin waana inaan dhammeystirnaa oo habeen iyo maalin la shaqeeyaa.”

Maalintii labaad seminaarka lagu magacaabay ‘Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda’ waxaa casharo ka bixiyey aqoonyahanno iyo lataliyeyaal sare, sida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), La-taliyaha Madaxeynaha ee dhinaca Sharciga Ibrahim Iidle Suleymaan.

Arrimaha seminaarka Golaha Xukuumadda looga hadlay waxaa ka mida: howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha Wasiirrad, ilaalinta iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hay’adaha dowladdu la galayaan hay’ada kale, hagaajinta habka xog-wadaagidda hay’adaha Dowladda dhexdooda iyo mideynta xogta lala wadaagayo dadweynaha.