Itoobiya oo shaacisay inay soo riday Diyaarad Hub u siday Jabhadda Gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay soo riday diyaarad hub iyo saanad u siday Falaagada Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay soo rideen diyaarad uu leeyahay ‘Coddowgii soo jireenka ahaa’ ee Itoobiya, kadib markii ay hub ka dejiyey gudaha xuduusaha dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa timid kadib markii dowladda Itoobiya ay ku eedeeyay Jabhadda Tigray inay weerarro kusoo qaaday ciidamadeeda, iyadoo maanta uu dib u qarxay dagalakii ciidamada Itoobiya iyo kuwa jabhadda Tigray.

General Tesfaye Ayalew ayaa sheega in diyaarad loo maleynayo inay siday hub iyo saanad ciidan oo kasoo gudubtay dhinaca Xuduudka dalka Suudaan ay soo rideen ciidamada cirka Itoobiya.

Itoobiya ma sheegin dalka caddowga ah ee laga leeyahay diyaaradda lasoo riday, waxaase la filayaa inuu yahay dalka Masar ama Suudaan oo xurguf ka dhaxeysay muddooyinkii danbe.