RW Xamsa oo lagu soo dhoweeyay Beledweyne iyo Wasiiradii ugu badnaa oo la socda.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay uga baxay magaalada Muqdisho, isagoo gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha waxaa garoonka Magaalada Beledweyne kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, wasiiro, Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka, maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha bulshada magaalada Beledweyne.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha waxaa ka mida wasiiro fara badan oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelle, waxaana ka mida: Wasiirada Qorsheynta, Haweenka, Caafimaadka, wasiir ku xigeenno iyo xildhibaanno fara badan.

Waxaa hore Gobolka Hiiraan hore u joogay Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyah ciidamada xoogga dalka iyo xildhibaanno u tegay dhiirigelinta dagaalka Alshabaab lagula jiro ee ka socda degaanada u dhow magaalada Beledweyne.