RW Xamsa iyo Deni oo is-afgarad ka gaaray khilaafkii ka dhashay Xilka Ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ugu tegay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay sida lagu sheegay qoraalo kasoo baxay xafiisyadooda xaaladda Amni iyo wada-shaqeynta labada dhinac, balse xogta kulankan ayaa sheegeysa in ujeedkiisu ahaa xal u helida khilaaf ka dhashay magacaabidda xilka Ra’iisal wasaaraha.

Kulanka Siciid Deni iyo Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa waxaa gacan ka geystay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana qeyb ka ahaa la-taliyaha Ra’iisal wasaaraha oo kasoo jeeda Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ka mid ahaa musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo gacan ka geystay dib u doorashada Xasan Sheekh ayaa doonayey xilka Ra’iisal wasaaraha in loo magacaabo qof uu wato, taasoo bedelkeed Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo xushay Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisal wasaaraha ayaan xiriir fiican la lahayn Madaxweynaha Puntland, wuxuuna ku guuldarreystay inuu tago Puntland oo in muddo ah uu raadinayey sidii uu ku booqan lahaa, waxaana la sheegay in is-afgarad laga gaaray, lagana gudbay arrimhii ka dhashay doorashada iyo magacaabidda xilka Ra’iisal wasaaraha.