Rag hubeysan oo weerar ku qaaday xubna ka tirsan guddiga Doorashada kenya.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Kenya ayaa sheegay in shaqaale ka tirsan guddiga oo isu diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada madaxweynaha ee laga gudbiyay maxkamada sare la weeraray habeenkii isniinta.

Sida laga soo xigtay guddiga IEBC, kooxda weerartay shaqaalahooda habeenimadii isniinta ayaa hubaysnaa. “Maanta oo Isniin ah, taariikhduna tahay 22-ka Ogosto, 2022 abaaro 8:30 fiidnimo koox abaabulan oo sita hub ayaa isku dayay in ay weerar ku qaadaan shaqaalaha IEBC ee diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada madaxweynaha.” ayay guddiga ku ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen twitter habeenimadii Isniinta.

Hogaamiyihii hore Mucaaradka Kenya, Raila Odinga iyo kooxdiisa ayaa Maxkamadda ugu sarreysa u gudbiyay gal dacwadeed ka dhan ah doorashadii dhowaan ka dhacday Kenya taas oo madaxweyne loogu doortay madaxweyne ku xigeenka hataan xilka haya ee Kenya, William Ruto.

Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada – oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera – ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa laashay guushii uu madaxweyne Uhuru Kenyata uu ka gaaray doorashadi 2017-kii, waxayna amar ku bixisay in doorashada markale la qabto.