Seminaar Nooc cusub ah oo u furmay Golaha Wasiirada RW Xamza iyo Arrimaha looga hadlayo.

Shir qaab seminaar ah loo diyaariyay lagu sheegay inuu yahay ‘Kulan wadareed’ ayaa Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka maanta uga furmay magaalada Muqdisho.

Seminaarkan ayaa la sheegay inuu socon doono muddo laba maalin ah, waxaana looga hadlayaa howlaha mudnaanta u leh xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamza iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Shirkan oo sidoo kale loogu yeeray ‘BANBAX’ waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Waa shirkii ugu horeeyay ee Glaha Wasiirada cusub, kadib degdeg ah oo xili habeennimo 15 bishan Ogost ka dhacay Muqdisho, kaasoo looga hadlay arrimah abaaraha iyo magacaabidda guddiyo maamulka mucaawinada.

Wuxuu shirkan kusoo beegmay xilli ay jirto xaalad amni oo halis ah, kadib weerarkii qasaaraha badan dhaliyey ee Hotel Xayaat oo ciidamada dowada ku qaatay waqti dheer.