Xasan Sheekh shaaciyay Diyaargarow Dagaal aan waxba lala harin oo lala gelayo Alshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo dagaal aan waxba lala harin oo lala galayo Alshabaab.

Isagoo guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka ayuu Madaxweynuhu Shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo qorsheyaasha dowladda ka hortagga Argagixisada Alshabaab.

Xasan ayaa fariintiisa ku sheegay in diyaar garowga uu bilaabay tan iyo markii uu xilka yimid, kaasoo ku aaddan xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanideenna.

“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna”. ayuu yiri Xasan Sheekh

Madaxweynaha oo markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii Hotelka Xayaat ayaa sheegay in Hadafka ugu weyn ee argagixisada Alshabaab ay ka leeyihiin weerarrada gaadmada ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan ay tahay in la niyad-jabiyo dadka Soomaaliyeed, dowladdana laga mashquuliyo qorsheheeda xoreynta dalka.

“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna”.

Shirka Guddiga Amniga Qaranka waxaa ka qeyb-galayn Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda Lataliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ay kaga qeyb galeen dhanka khadka, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan weerarkii hotel Xayaat, u diyaar-garoowga Shirka Golaha Amniga Qaranka iyo qorshaha xasilinta dalka.