Dagaalkii Itoobiya oo sii xoogeystay iyo Jabhadda Tigray oo qabsatay Magaalo cusub.

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada dowladd Itoobiya oo kaashanaya maleeshiyada Gobolka Amxaarada iyo Jabhadda Tigray ee Waqooyiga dalkaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Jabhadda Tigray ay qabsadeen magaalada Kobo iyo tuulooyinka Gugudo, Fokisa, Zobl, Mendefera, Robit, Shiwoch Mariam, iyo Tuklosh oo ka tirsan Gobolka Amxaarada.

Afhayeenka TPLF ayaa sheegay in Weerarkii uu Abiy Axmed dhinaca jiidaha koonfureed uga qaaday Tigray uu ku jabay, isla markaana ay ciidamadooda gacanta ku dhigeen magaalooyin cusub, iyagoo jebiyey Itoobiya iyo Eritrea oo is kaashanaya.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa qiratay inay ciidamadeeda isaga baxeen magaalada Kobo, sida lagu sheegay Qoraa kaso baxay xafiiska xiriirka dadweynaha ee dowladda Itoobiya, ciidamada dalkaasi ayaa isaga baxay magaalada Kobo si ay uga hortagaan in dad badan lagu laayo magaalada.

TPLF ayey ku eedeysay dowladda Itoobiya inay dagaalka keeneen bartamaha magaalada Kobo, ayna doonayaan inay dad badan laayaan, taasoo milatariga Itoobiya ku qasabtay inuu dib uga gurto ciidamadiisa magaalada Kobo, difaacyana ka sameysto duleedka magaalada, sida lagu sheegay qoraalka dowlada Itoobiya.

Waxaa muuqata in ciidamada Itoobiya ay difaaci waayeen magaalo muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Amxaarada, waxaana hadda ay xaalada u muuqataa mid faraha kasii baxeysa.