Qareen Somali ah oo si yaab leh u difaacay Guusha Doorashada Kenya ee William Ruto (Daawo).

Waxaa maanta lagu wadaa in Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya ay soo gabagabeyso dhegeysiga dacwadda Doorashada madaxtinnimada Kenya oo uu gudbiyey Musharaxa Raila Odinga.

Qareennada u doodaya Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudada Kenya (IEBC) iyo madaxweynaha la doortay ee William Ruto ayaa waxaa ka mida Mahad Soomane oo ah Soomaali Keynaan si weyn uga dhex muuqda Dacwadda ka socota Maxkamadda Sare ee Kenya.

Wuxuu shalay Maxkamadda u sheegay in inay meesha ka saarto dacwadaha ay soo gudbiyeen Raila Odinga iyo kooxdiisa, iyagoo sheegay inaysan soo bandhigin caddeymo ay ku taageerayaan sheegashadooda.

Doodii Qareen Mahad Soomane ka jeediyay Maxkaadda Sare ayaa noqotay mid si weyn hadal-hayo Baraha Bulshada Dalka Kenya. Inta badan dooddiisa waxay ku qotontay sharraxaad la xiriirta habka teknoolojiyada loo isticmaalay natiijada doorashada, taas oo ay kooxda Raila ay ku doodayeen in la farageliyay.

Bartan Twitter-ka ayaa waxaa laga dareemay hadal-hayn la xiriirta qaabkii uu qareen Mahad u soo bandhigay dooddiisa, iyadoo dadka intiisa badan ay la dhaceen aqoontiisa. Soomane waxa uu ammaan ku soo jiitay sida uu u qeexay macluumaadka teknoolajiyada iyo ereyada sharciga ah ee uu adeegsaday, isaga oo difaacaya guusha Madaxweynaha la doortay ee William Ruto.

Baraha waaweyn ee Telefishanda iyo Warbaahinta Kenya ayaa dadka weydiiyey inay qiimeyn ku sameeyaan doodaha Qareen Mahad iyo kuwii ka horjeeday, iyadoo kumanaan qof ay taageereen sida uu su’aalaha kooxda kasoo horjeeeda uga jawaabay.

Qareen mahad Soomane waxa uu 2005-tii ka qalin jabiyay Jaamacadda Nairobi isagoo markaas qaatay shahaadada koowaad ee sharciga, halka uu 2007-dii ka qaatay shahaadada (Post Graduate Diploma in Law) kulliyadda sharciga ee Jaamacadda Nairobi, sida uu qareenku ku soo qoray bartiisa LinkedIn.

Sanadkii 2010, wuxuu ka qalinjabiyay Dugsiga Harvard Kennedy isagoo qaatay shahaadada Masters-ka ee kulliyadda Siyaasadda Dadweynaha (Horumarinta Dhaqaalaha Caalamiga ah).

Sanad kaddib 2011, wuxuu shahaadada labaad ee sharciga ka qaatay isla Jaamacadda Sharciga ee Harvard. Mahad waxa uu wax ka diyaariyay sharciyada shirkado iyo hay’ado waaweyn oo ay ka mid tahay Hay’adda Bill iyo Melinda Gates Foundation ee Mareykanka. Waxaa aasaasay Bill Gates oo ah aasaasaha Microsoft, kana mid ah bilyanneerrada ugu caansan adduunka.

Markii ugu horreysay waxa uu soo shaac-baxay sanadkii 2017, kaddib markii Guddiga IEBC uu qandaraas ku siiyay in uu ku matalo maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya intii ay socotay dacwaddii ka dhalatay murankii doorashada madaxweynaha. Hadda waa markii labaad oo uu maxkamad ka difaacayo Guddiga Doorashada.