Wararkii ugu danbeeyay Qarax ka dhacay magaalada Baraawe iyo Qasaaraha ka dhashay.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax barqadii maanta ka dhacay magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose, oo ah caasimadda aan lagu shaqeyn ee maamulka K/Galbeed.

Qaraxa ayaa ahaa Miino la geliyay Goob Shaaha lagu iibiyo oo ah Buteejada laga raaco Baabuurta aada Kuunyo-Barow oo ciidamada qaarkood ay tegi jireen, waxaana la qarxiyey xilli Barqo ah, iyadoo qaraxa uu dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in askari uu ku dhintay qaraxa, galka ku dhowaad 10 kale ay ku dhaawacmen, waxaana dadka dhaawaca ahaa laga daadgureeyay goobta ganacsi ee ka mid ahayd kuwa yaryar ee haweenku Shaaha ku iibiyay.

Qasaaraha ayaa la filayaa inuu sii kordho, waxaana magaalada Baraawe aad u hooseeya adeegga caafimaad ee ka jira.