Maxkamadda Sare ee Kenya oo shaacisay inuu William Ruto ku guuleystay Doorashadii Kenya.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday go’aanka Dacwadda natiijadii Doorashada Madaxweynaha Kenya ee muranku ka dhashay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya haweeneyda lagu magacaabo Martha Koome ayaa ku dhawaaqday go’aanka Maxkamadda, iyadoo shaacisay in Doorashada Madaxweynaha Kenya uu ku guuleystay William Ruto, iyadoo ansixisay natiijadii hore.

Waxay xaqiijisay in sax ahayd natiijadii uu shaaciyey Guddoomiyaha Guddiga Doorshada Kenya, iyadoo go’aanka maxkamadda oo akhrintiisa qaadatay muddo ka badan saacad ay faahfaahisay dhammaan inay waxba kama jiraan yihiin dacwadihii uu gudbiyey Musharaxa Raila Odinga.

Doorashada guud ee Kenya ka dhacday 9-kii Ogost 2022 ay Maxkamaddu sheegtay inay ahayd mid si guul ah ku dhacday oo ahayd doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana si daah furan loo qabtay. Waxayna caddeysay in caddeyn loo waayey wax is daba marin iyo khaladaad lagu sameeyay natiijadii Doorashada.

Maxkamadda waxay meesha ka saartay dhammaan eedihii ay gudbiyeen kooxda Musharax Raila Odinga iyo qodobadii ay ku dhiseen dacwadoda inay sharci darro ahayd natiijadii uu shaaciyey guddoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya.

Maxkamadda ayaa xustay natiijadii uu shaaciyey Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee uu ku sheegay inuu ku guuleystay William Ruto, ay ahayd mid sax ah, Madaxweynaha Kenya ee shanaad-na loo doortay William Ruto.