Nin Hubeysan oo lagu qabtay Suuqa Bakaaraha (Dadweyne si yaab leh uga hortegay).

Nin Bistoolad ku hubeysan ayaa lagu qabtay suuqa weyn ee Bakaaraha, caasimadda Muqdisho, kadib markii uu khalkhal geliyey ganacsatada Suuqa.

Ninkan ayaa la sheegay nuu weerarray Bakhaaro ku yaala Suuqa Bakaaraha, isla markaana uu rasaas ku riday goobaha ganacsiga, waxaana markaas kadib ka hortegay ganasatada iyo dadweyne ceyrsaday, iyadoo markii danbe ay gacanta ku dhigeen ciidamada Amniga.

Wararka ayaa sheegay in Ninkan hubeysan oo ka tirsanaa ururka Daacish ee Soomaaliya, ujeedkliisuna ahaa inuu cabsi gekliyo Ganastada si ay u bixiyaan lacago laga rabo.

Ciidamada Nabadsugidda ayaa la wareegay ninkan, waxaana saraakisha Booliska Saldhigga H/wadaag ay sheegeen inuu baaritaan ku socdo, lana ogaday inuu ka tirsana Daacish.