Ruushka oo Gantaallo iyo Diyaarado is qarxinaya ku weerarray magalooyinka Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa fuliyey weerarro mar qura lagu qaaday magaalooyinka Dalka Ukraine oo ay ku jirto caasimadda dalkaasi ee Kiev.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Kyiv iyo dhammaan Magaalooyinka dalka Ukraine, iyadoo weli ay socdan Gantaalaha ku hoobanaya magaalooyinkaasi oo lagu qiyaasay ilaa iminka in ku dhow 50 Gantaal.

Weerarka Ruushka ayaa ah aargoosi yimid, kadib markii la qarxiyey Buundada caalamiga ah ee isku xirta Ruushka iyo Gobolka Crimea oo lagu eedeeyay inay fuliyeen Sirdoonka dalka Ukraine.

Magaalada Kiyev waxaa ku dhintay 8 qof, iyadoo ay ku dhawacmeen 24 kale, sida ay sheegtay waaxda gurmadka deg dega ah ee Ukraine. Madaxweynaha Ukraine ayaa goor dhow sheegay in duqeyn culus lagu soo qaaday dalkiisa, Ruushkana ay doonayaan inay dalkiisa baabi’iyaan.

Shaley madaxweyne Vladimir Putin wuxuu ku eedeeyay in sirdoonka Ukraine inay sameeyeen waxa uu ku tilmaamay fal argagixiso, isagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan, kana jawaabi doonaan.

Weerarka waxaa qeyb ka ah diyaaradaha is wada ee Drone-ka oo iyagoo miineysan lag hagayo inay fuliyaan weerarro qaraxyo ah. ilaa 8 ka mida diyaaradahaasi ayey Ruushku u adeegsadeen weerarrada ka socda Ukraine.