Madaxweynaha Hirshabelle Iyo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Yuusud Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Gashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage oo shalay gaaray Magaalada Beledweyne.

Kulankaan ayaa looga hadlay dardargalinta howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee ee ka socda Gobolka Hiiraan iyo sidii la isaga kaashan lahaa xureynta deegaanada kooxaha cadowga ah ay ku sugan yihiin.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa si wada jir ah u xusay doorka ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin ciribtirka guud ahaan dalka dhagarqabayaasha Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta ayaa balan qaaday in Al-Shabaab laga cirib tiri doono Hirshabelle ayna dhiirigelin u sameyn doonaan saraakiisha hogaamineysa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee habeen iyo maalin u taagan sidii guud ahaan Soomaaliya looga sifeyn lahaa Al-Shabaab.

madaxweynaha hirshabelle iyo wasiirka gaashaandhiga oo ka wada hadlay dagaalka shabaab.