Dagaalkii Ciidamada Itoobiya iyo Jabhadda Tigray oo Dib u qarxay iyo faahfaahin laga helay.

Waxaa maanta dib u qarxay Dagaalkii Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Tigray ee ka socday Waqooyiga Itoobiya, kadib muddo bilo ah oo xabbad joojin jilcan ay jirtay.

Dagaalka ayaa ka qarxay agagaarka magaalada Kobo, afhayeenka ciidamada Tigray ayaa sheegay in Arbacadii maanta ay soo weerarreen ciidamada Itoobiya, taasoo soo afjartay xabad joojin muddo bilo ah socotay.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay inay maqlayaan dhawaaqa hubka culus ee dagaalka saaka bilowday, waxaana maalmihii ugu danbeeyay degaanadaasi lagu arkayey ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo kuwa Fano oo ah maleeshiyo is abaabushayoo ku sii jeeday aagga labada dhinac isku hor fadhiyeen.

Xiriiro lala sameeyay Afhayeenka dawladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka milatariga Kornayl Getnet Adane iyo afhayeenka ra’iisul wasaaraha Billene Seyoum ayaan wax jawaab ah laga helin, sida ay qortay Wakaalada wararka Reuters.

Telefishinka Tigray ay sheegay in ciidamada Itoobiya oo ay weheliyaan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada iyo maleeshiyaadka Axmaarada ay bilaabeen weerar ballaaran abaaro 5:00 subaxnimo ee maanta oo Arbaco ah.

Dagaalkan ayaa soo afjaraya xabbad joojintii soo jirtay ilaa bishii March, waxaana uu dhaawac weyn ku noqonayaa isku daygii lagu doonayay in lagu bilaabo wadahadallo nabadeed oo u dhexeeya xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, oo ah xisbiga maamula Gobolk Tigray.