Madaxweyne Xasan Sheekh oo Telefoon u diray Amiirka Dalka Qatar iyo Codsi uu gaarsiiyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Telefoon u diray Amiirka dowladda Qatar Hamad Bin Tamim Al-thani, isagoo gaarsiiyey codsi uu kaga dalbaday taageero.

Qoraal kasoo baxya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu taleefan kula hadlay Amiirka dalka Qatar, isgoo Amiirku ka tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay weerarka argagixisada ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Amiirka Qatar ayaa caddeeyay inuu diyaar u yahay taageerada dadka ku dhawacmay weerarka (Hotel Xayat), madaxweyne Xasan Shekeh ayaa uga mahadceliyay amiirka Qatar garab istaagga Soomaaliya.

Dhinaca kale wakaalada wararka dalka Qatarayaa faafisay in Sheikh Tamim Bin Xaamad Al Thani uu Telefoon u soo diray m,adaxweynaha Soomaaliya ayna ka wadahadleen xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo xoojin lahaa.