DEG DEG: “Waxaa nasoo weerartay DF Somalia!” – Somaliland oo baaq qayladhaan ah u dirtay beesha caalamka.

(Laascaanood) 12 Feb 2023 –

Maamulka somaliland ayaa markale soo saaray War-saxaafadeed uu kaga hadlayo dagaalka Laascaanood oo ay markan toos ugu eedeeyeen “inay kusoo qaadday DF Somalia.”

Waxay xuseen in “Dowladda Somaliland waxa ay beesha caalamka iyo shacabka reer Sool ku wargelinaysaa inay ku adkaysanayso xabbad-joojin aan shuruud ahayn oo hal dhinac ah oo la soo saaray 10-kii February 2023-ka.”

“Dowladdu waxay ku cel-celinaysaa in ciidamadeeda millateriga amar lagu siiyey inay iska difaacaan weerarro soo noqnoqday, islamarkaana aanay weerarin dadka rayidka ah.

Waxa soo ifbaxday in cidda weerarka soo qaaday aanay raalli ka ahayn inay aqoonsato xabad joojinta. Sidaas darteed, ciidamada qaranka Somaliland ayaa ku sugan meel ka baxsan magaalada Laascaanood.” Ayaa lagu yiri bayaan af Ingiriisi ku dhigan.

“Xukuumadda Somaliland waxa ay aaminsan tahay in xaaladda Laascaanood aanay ahayn mid muujinaysa ‘cabasho bulsho’, balse ay tahay qorshe lasii degey oo ay wadaan Soomaaliya oo doonaysa inay khalkhal geliyaan Somaliland.

“Saaka ayaa ciidamo hubaysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay weerar kusoo qaadeen ciidamada Millateriga Somaliland. Dowladda Somaliland ayaa intaas kaddib digniin u dirtay Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan Maamul-goboleedka Puntland oo ciidamo tiro badan oo hubaysan u soo dirtay xuduudka Tukaraq, si ay u joojiyaan hoowshaas.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa inay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland ugu baaqdo inay ciidamadooda kala baxaan xuduudka Somaliland, islamarkaana ay cambaarayso weerarrada joogtada ah ee lagu hayo shacabka, dowladda iyo ciidamada Somaliland, waxaanay ka dalbatay inay xabad joojinta aan shuruudysnayn kulasoo biiraan Somaliland.” Ayay kusoo afjareen bayaanka.