Mucaaradka Somaliland ‘oo sii wadaya’ dibadbaxyada iyo Muuse Biixi oo eedeeyay.

HARGEISA — 

Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Waddani ayaa sheegay inay sii wadayaan dibadbaxyada ay ka dhigayaan magaalooyinka Somaliland, in kasta oo xukuumaddu ay tallaabadaasi digniino kasoo saartay.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha Somaliland oo goor dambe oo xalay ah hadlay ayaa mucaaaridka ku eedeeyay inay masuul kayihiin khasarihii ka dhashay mudahaharadadii dhacay, waxaanu tacsi udiray dadkii ku dhintay.