Lafta-garen oo guddoomiyey Shir degdega oo ay ka qeybgaleen Saraakiil Ingiriis iyo Itoobiyaan ah.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo dhowaan kasoo laabtay dalka Itroobiya ayaa shir gudoomiyey Shir Amni degdeg ah.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Baydhaba, waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Laamaha Amniga ee kala Duwan, saraakiisha ciidamada Midowha Afrika ee Itoobiyaan ah (ATMIS) iyo Saraakiil ka socday ciidamada Dowlada Ingiriiska.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in shirka Golaha Amniga maanta looga hadlay xoojinta Amniga, Iskaashiga qeybaha kala duwan ee Ciidanka, Wadaagida Xogaha Argigixisada ay ku dhibaateyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Xoojinta Howlgalada Socda.

Ingiriiska ayaa si gaara u tababarra ciidmaada K/Galbeed. wuxuuna saldhig ku leeyahya magaalada Baydhaba, iyadoo doorkiisa aanu caddeyn.

Lafta-gareen ayaa socdaal shaki badan abuuray oo dowladda Federaalka aysan ka war qabn ku tegay dalka Itoobiya xilli uu sii xumaanayo xiriirka maamulkiisa iyo dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh maxmauud.