Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku qabtay Koox falal Burcadnimo ah ka geysatay degmooyin badan.

Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey inay gacanta kusoo dhigeen Burcad la sheegay inay dhac ka geystaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Koox ka kooban toban dabley ah ayuu Booliska kusoo bandhigay Saldhiga Booliska degmada Kaaraan, iyagoo lagu soo eedeeyay inay falal burcadnimo ah ka wadeen degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid & Hiliwaa, laguna soo qabtay iyagoo watay Mooto Bajaajyo.

Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir G/le Cali Calasow Xasan (Goofjooge) ayaa sheegay in howlgalkan lagu soo qabtay raggan uu qeyb ka yahay howlgallada ay magaalada Muqdisho ka wadaan ciidamada Booliska oo lagu raadinayo burcadda iyo Daroogada.

Waxaa kaloo ciidamada Booliska ay qabteen Mootooyin la dhacay iyo qalab kala duwan oo Mobile-s ku jiraan, balse la raadinayo dadkii lahaa. Sidoo kale waxay Boolisku qabteen Daroogo kala duwan.

Ciidamada Nabadsugidda ee NISA ayaa sidoo kale howlgallo ka fuliyey magaalada Muqdisho, iyagoo beegsaday Ciyaal weerada ka kacay xaafadaha caasimadda Muqdisho.