Mr. Raila Odinga shan (5) jeer ayuu madaxtinimada u tartamay.

Mr. Raila Odinga shan (5) jeer ayuu madaxtinimada dalka Kenya u tartamay waana laga guulaystay, Tartankaan u ku guuldaraystay Mr. Raila waxaan filaa in ay noqon doonto tartankii ugu dambeeyay maadaama uu ku dhow yahay sano sideetanaad.
Mr. Raila Odinga waa ruug-cadaa ku soo dhex-jiray siyaasadda dalka Kenya muddo konton (50) sano ah marna aan ka quusan tartan siyaasadeed, niyad jebin laguna tilmaamo bir-adayg “rajulul-xadiid”.
Magaca cusub ee qaamuuska ku soo biiray waa “Raila = Loser” middaas aan filayo in sooyaalka taariikhiisa iyo midda Kenya ka mid noqon doonta.
Ha la xauusto waa xikmad rabbaani ah macnaheeduna yahay “qofna ma helo wax aan loo qorin” waa xikmad u baahan in lagu cibra-qaato.