Raila Odinga oo ku Gacan seyray Natiijadii Doorashada Madaxweynaha Kenya.

Musharaxa Isbaheysiga Mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa ka hor yimid natiijada doorashadii Madaxweynaha dalkaasi ee 9-kii Ogost oo shalay la shaaciyey inuu ku guuleystay William Ruto.

Khudbad uu goor dhoweyd u jeediyay shacabka Kenya ayuu Raila Odinga ku sheegay in doorshadii guud ee dalkaasi la khalday, isagoo ku eedeeyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada dalkaasi inuu weeciyey natiijadii.

Natiijadii shalay la shaaciyey ee doorashada Madaxweynaha Kenya ayuu ku sheegay mid sharci darro ah oo koox yar oo ka mida Gudiga Doorashada Kenya ay ku dhawaaqeen, wuxuuna caddeeyay inuusan wax sharciyad ah u heysan guddoomiyaha Guddiga Doorashada Wafula Chebukati inuu keligiis go’aan ka gaaro natiijada.

“Waxaan aad uga naxnay shalay inuu Wafula Chebukati keligiis ku dhawaaqo natiijo aan sax ahayn, isagoo guddiga intiisa abdan u diiday inay howshooda la wadaagaan.. Natiijada uu shaaciyey waxba kama jiraan, waana sharci darro, mana jiro madaxweyne la doortay..” ayuu yiri Raila Odinga.

“Tirooyinka uu ku dhawaaqay Mr. Chebukati waa waxba kama jiraan, waana in maxkamad sharci ah ay baabi’isaa. Aragtideenna ma jiro qof si sharci ah oo sax ah loogu dhawaaqay in uu ku guuleystay iyo madaxweyne la doortay” Odinga ayaa ku dhawaaqay.

Daqiiqado ka hor inta aanu khubadda jeedin Raila Odinga waxaa saxaafadda warbixin siiyey afar xubnood oo ka mida Guddiga Doorashada Kenya oo sheegay in natiijada uu shaaciyey guddoomiyaha Guddiga ay tahay mid aan sax ahayn, isla markaana aysan wax shaqo ah ku lahayn iyaga.

Kenya ayaa mar kale galeysa muran doorasho iyo qalalaase laga cabsi qabo inuu dalkaasi galo, iyadoo hore ay dalkaasi uga dhaceen muranno doorasho oo dhaliyey in dad badan la laayo.