Midowga Afrika oo Ergey cusub u soo magacaabay Somaliya, kadib Eryidii Wakiilkii hore.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa soo magacaabay wakiilka cusub ee u qaabilsan Soomaaliya, kadib muddo ku dhow shan Bilood oo xilkaasi uu bannaanaa.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ayaa u magacaabay Mohammed El-Amine Souef oo u dhashay Dalka Jasiiradaha Comoros inuu noqdo ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Wakiilka cusub Mohamed Al-amine wuxuu bedelayaa wakiilkii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira oo u dhashay dalka Mozambique, kaasoo uu eryay Ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Xilka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa bannaanaa tan iyo bishii April 2022, kadib markii Wakiilkii hore lagu eedeeyay inuu ku milmay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Farmaajo oo uu gacansaar la lahaa ayaa isku dayey inuu difaaco Madeira, balse uma suuragelin, iyadoo Midowga Afrika uu ku qasbanaaday inuu dib ula noqdo wakiilkaasi oo muddo dheer xilkaasi hayey.