Maxay tahay farriinta uu ra’iisul wasaare Xamza Barre u diray Maxamed Bin Salman?

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa farriin hambalyo ah u diray Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman isagoo ugu hambalyeeyay xilka Ra’iisal Wasaaraha Boqortooyada ee Talaadadii loo magacaabay.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ugu hambalyeeyay Amiir Mohammed bin Salman.

“Waxaan u hambalyeynayaa Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Mohammed bin Salman, munaasabadda ay Boqortooyada ugu magacawday inuu noqdo Ra’iisal Wasaare,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre. 

“Waxaan u rajeynayaa caafimaad qab, inuu horumariyo Boqortooyada Sacuudiga iyo shacabkeeda, anigoo u rajeynaya bash-bash iyo xasillooni inta uu hoggaaminayo hoggaanka caaqilka ah.”

Dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa Talaadadii loo magacaabay ra’iisul wasaare, xilkaas oo ah mid caadiyan uu hayo boqorka, waxaa sidaas lagu sheegay isku shaandheyn dhacday Talaadadii.

Tallaabadan ayaa rasmi ka dhigeysa awood horey gacanta ugu jirtay Amiir Maxamed, kaasi oo sanado badan ahaa hoggaamiyaha dhabta ah boqortooyada, sida ay sheegeen fallanqeeyayaasha. 

Amiir Maxamed oo 37 jir noqday bishii tagtay, ayaa ahaa qofka sugaya inuu aabihiis ka beddelo xilka boqorka tan iyo 2017.

Amiir Maxamed ayaa noqday wasiirka difaaca 2015, taasi oo aheyd tallaabo muhiim u ah inuu xajisto awoodda. 

In dhaxal-sugaha laga dhigo ra’iisul wasaare waa tallaabo aan caadi aheyn, balse horey waa ay u dhacday. 

Sanadihii 1950-meeyada Amiir Faysal Al-Sacuud ayaa noqday ra’iisul wasaare, wuxuuna la wareegay maamulka howlaha dowladda, taasi oo ugu dambeyn hoggaamisay loolan awoodeed oo natiijadiisu noqotay in Boqorkii xilligaas Sacuud uu xilka ka dego.

Tallaabadan waxay xalin kartaa su’aalo baratakool, maadaama Amiir Maxamed uu sanado badan la kulmayey madaxda dalal, inkasta oo darajadiisa rasmiga ay aheyd wasiir difaaca.

Amiir Maxamed ayaa waxaa xilka wasiirka difaaca ka beddelay walaalkiis ka yar Khalid bin Salmaan, oo ahaa wasiir ku-xigeenka difaaca.