Mareykanka oo lacag ku dhow 90 Milyan Dollar horumarin ahaan u siinaya Dowlada Somaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya siineysa lacag ku dhow 90 Milyan Dollar oo lagu maalgelinayo Mashaariic ay Hay’adda USAID ka fulineyso Soomaaliya.

Heshiis deeqdan ku saabsan ayaa lagu kala saxiixday xarunta Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho, waxaana dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Nuur, halka Dowladda Mareykanka uu u saxiixay Danjire Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya  Danjire Larry André.

Heeshiiskan ay kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ahaa mid lagu taageerayo dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan mashaariic laga fulinayo gobollada dalka, waxaana dowladda Mareykanka ay bixin doontaa lacag dhan 86.7 Milyan oo Doolar.