Xasan Sheekh, RW Xamza iyo Aden Madobe oo si kulul uga hadlay Geerida Nabadoon Cilmi Hagar.

Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay Geerida Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo maanta ku dhintay dagaal uu Alshabaab kula galay degaan ka tirsan degmada Moqokori.

Farriin uu dalka Itoobiya kasoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu tacsi tiiraanyo leh ugu diray ehelka, qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha ha u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Nabadoon Cilmi Hagar Guure uu ka mid ahaa geesiyaasha hor-kacayay kacdoonka Shacabka ee lagula dagaalamayo kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, isagoo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan kacdoonka ay kula dirirayaan nabad diidka khawaariijta ah oo uu hada gabalkoodu sii dhacayo.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa farriintiisa tacsida ahaa isna ku yiri: “Mujaahid Cilmi wuxuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, Wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasiloonida u diiday. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa”.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uu ka baxay Nabadoon Cilmi Hagar Guure.

“Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Gobolka Hiiraan uga tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo saakay ku geeriyooday dagaalka lagu la jiro kooxda Arxan-laawiyaasha ah ee Al-Shabaab.”

Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlawe ayaa ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee tacsi u dira nabadoonka iyo Ehelkiisa, isgoo ku tilmaamay tusaale lagu dayan doono.

Tacsida Nabadoon Cilmi Hagar Guure ayaa hareysay Baraha bulshada ee Soomaalida, wuxuuna ahaa nabaddoonkii ugu horeeyay ee isagoo la dagaalmaya Alshabaab ku geeriyooday goobaha dagaalka.