Xasan Sheekh oo furay Shirkii Madasha Qaran iyo Siciid Deni oo Muqdisho ka baaqsaday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Galabta furay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dowldda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa Madaxda Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada dalka, ayaa looga hadli donaa armaha sugidda amniga dalka, qeybsiga dhaqaalaha bankiga Adduunka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Hiirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Waxaa dhinaca Khadka Internetka ee fogaan aragga uga qeyb galaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo sababo aan la shaacin dartood uga baaqsaday imaansaha magaalada Muqdisho.

Shirka nayaa imaaay iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu u socdaalayo dalalka Kenya iyo Mareykanka, isagoo ka qeyb geli doona caaleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Kenya iyo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.