Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey tallaabooyin degdega oo laga qaadayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu ku cambaareynayo falkii bahalnimada ahaa ee ay argagixisada arxan-laawayaasha ah ee Al-Shabaab ku xasuuqeen muwaaddiniin Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dadka la xasuuqay ayoku sugnaayeen degaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos yimaada Gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo Gobolka Galgaduud ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wuxuu sheegay in ficillada gurracan ee argagaxisada aysan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka, waddaniyadda iyo dhaqanka suubban, ay tusaale u yihiin cadaawadda ay u qabaan shacabkeenna biri-mageydada ah.

“Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisada bannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayuu yiri Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Argagixisada Al-Shabaab, si loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u geysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyey dadaallada naf-hurnimada leh ee ay wadaan Ciidamadeenna geesiyaasha ah iyo Shacabka is abaabulay ee ku nool Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle iyo Gobolka Galgaduud ee Galmudug si ay isaga dulqaadan dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed, isagoona baaq adag u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan si loo ciribtiro kooxaha dhiigyacabka ah ee caadeystay gumaadka iyo dibindaabyada dadka Soomaaliyeed.