Ciidamo badan oo ka baxay Beledweyne iyo Guddoomiye Cali Jeyte oo ku baaqay Aar-gudasho.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa ka baxay magaalada Beledweyne, iyadoo ku siijeeda duleedka magalaada oo Alshabaab ay ku leyssay in ku dhow 30 qof oo dhacab ah, kuna gubtay 10 Gaari o oxamuul.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay in ilaa 30 qof ay ku dileen Alshabaab weerarka gaadmada ah, wuxuuna ku baaqay in laga aaruto Alshabaab, isagoo sheegay inay tallaabo qaadi doonaan.

“10 Gaari ayey gubeen, degaanka arrintan ka dhacday waa Afar Irdood, waa u soo dhuunteen. Shan qof oo midka u weyn yahay 3 jir iyo haween umul ah oo 30 berri dhallan ayaa ka mida dadka ay dileen, kuwaas ma macawisley baa..?” ayuu yiri Guddoomiye Gobolka Hiiraan oo sheegay in ku jiraan sidii looga jawaabi lahaa xasuuqa Alshabaab.

Alshabaab ayaa la sheegay inay qaraxyo iyo miinooyin u dhigtay dadkii gurmadka ahaa oo qaarkood ay dhaawacyo kasoo gaareen, waxaana ka mida gaadiid siday dhaqatiir ka baxday magalada Beledweyne.

Qasaaraha ayaa sii kordhaya dadkii Alshabaab ku xasuuqday degaanka Afar-irdood, waxaana meydad badan la geeyay magaalada Beledweyne, waxaana qabanqaabada aaska dadkaasi isugu jira rag, haween iyo caruur.