Cumar Filish oo u dabaaldegay 3 Sano guurada xilkiisa iyo Shaqaalaha G/Banadir oo Mushar la’aan ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish) ayaa xalay qabsaday xaflad uu ugu dabaaldegay sanadguuradii saddexaad ee uu hayo xilka maamulka Gobolka Banaadir, xilli la filayo in xilka laga qaado.

Xaflad lagu soo bandhigay heeso, khudbado iyo waxqabadka Cumar Filish ayaa ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir, balse waxay xafladan kusoo beegatan iyadoo shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir uu ka maqan tahay mushaarkii Billaha ahaa.

Maamulka Gobolka Banaadir ee Cumar Filish hoggaamiyo ayaa bixin waayey Mushaarka saddex bilood oo ka maqan shaqaalaha Gobolka Banaadir, Mushaarka Bishii July waxay waxay shaqaalaha qaateen 20-kii Ogost, halka sanadkan gudihiisa ay ka maqan tahay 2 ama 3 bilood mushaarkooda.

Xaaladda adeegyada Muqdisho ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa maraya heerkii ugu hoseeyay, wuxuuna Maamulka G/Banaadir awoodi waayey inuu wax ka qabto wadooyinka ku xirma Roobabka iyo Nadaafad xumada baahsan ee caasimadda ka jirta, iyadoo xafiisyada Guddoomiyaha iyo ku-xigeenada ay bishiiii ku baxdo lacag ka badan Nus Miylan Dollar.

Xafladda oo u muuqatay mid sagootin ah ayuu Cumar Filish ka sheegay inuu filayo xil ka qaadis, balse aanu ogeyn cidda bedeli doonta. “Masuuliyada waa meerto hadda waan joognaa beri cid kale ayaa imaaneysa, ma naqaan cidda na bedeli doonta, laakin waxaan ognahay in nala bedeli doonta” ayuu yiri Cumar Filish.