Madaxweyne Xasan Sheekh oo Go’aanadii ugu cuslaa kasoo saaray Dadka Alshabaab la macaamila.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go’aanadii ugu cuslaa ka qaatay Alshabab iyo dadka la macaamila, isagoo soo saaray amaradii ugu adkaa ee dagaalka Alshabaab lagula jiro.

Xasan Sheekh ayaa soo saaray amar ku socda madaxda dowladda iyo dadka intiisa kale isagoo sheegay inaan laga daba imaan karin qof shabaabnimo loo heysto, Qofkii sidaasi sameeyana uu la mid yahay Alshabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaan ahay, waad i wada maqleysaan, la iiguma imaan karo, la igalama hadli karo qof Shabaabnimo loo heysto, sidoo kale saraakiisha amniga ayaan loogu tagi karin, qofkii qof Shabaab ah dabo socda waxaan u aqoonsannahay in qofkaasi yahay Alshabaab, darajadii uu doono ha xambaarsanaado xildhibaan ama wasiir ama darajo kasta oo uu yahay. Qof tuhun shabaab loo haysto, qofkii Nabdoon ah ama Sargaal ah oo qof shabaab oo la soo xiray daba socda waa shabaab kalkaal hadaba hala ogaado” ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu kaloo sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jirin qof dhexdhexaad ka noqon kara dagalaka Alshabaab oo kaliya loo qeybsan yahay laba qeybood. ‘Meel dhexe oo la istaagaahi maanta Soomaaliya kuma taalo ama Shabaab ayaad tahay ama kan la diriraya ayaad tahay” ayuuna yiri.

Xasan Sheekh ayaa u digay Ganasatada Alshabaab u yeerto ee lacagaha u geeya. “Laga billaabo saacaddaan Shabaab u tagto ama aan ogaanno inaad la macaamishay wuxuu lumiyay xuquuqdiisii muwaadinnimo, xaqna dalka kuma lahaan doontid”.