RW Xamsa iyo Qaar ka mida Wasiirada oo Shir Degdega ka yeeshay xaaladda Beledweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xaaadda amniga oo si gaar ah qaraxyadii ka dhacay maanta magaalada Beledweyne.

Qaraxyada oo ahaa is-miidaamin loona adeegsaday Saddex Gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa dhaliyey dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Kullanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada, iyadoo dhaawacyo badan loo soo qaadayo magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qaraxyada Alshabaab ay ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ay beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Shabaab.