Golaha Guurtida Somaliland oo Muddo kordhin u sameeyay Madaxweynaha Somaliland.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Hargeysa Muddo kordhin u sameeyay Madaxweynaha maamulkaasi, iyagoo 2 sano ugu daray xilka Madaxweynaha.

Golaha Guurtida Somaliland oo cod u qaaday in muddo xileedka Madaxweyne Muuse Biixi lagu kordhyo 2 sano ayaa waxaa taageeray dhammaan xubnaha Golahaasi, waxaana ka hor yimid hal qof oo kaliya.

Sidoo kale Golaha Guurtida ayaa muddo xileedkooda kororsaday 5 sano oo cusub, waxayna arrintani ka dhigan tahay in muddo kordhin kale ay ka dhacday Somaliland, xilli ay dood culus ka taagneyd Doorashadii Madaxweynaha ee la filayey in la qabto dhammaadka sanadkan

Muuse iixi oo sanadkii 2017 la doortay muddo 5 sano ah ayaa hadda la siiyey 2 sano oo kale, isagoo xilka sii heyn doono ilaa sanadka 2024.

Somaliland ayaa waxaa caado u noqotay in Madaxweyne kasta xil kordhin loo sameeyo, ayna qabsoomi waayaan doorashooyinkii qorsheysnaa, taasoo dhalisa qalalaase siyaasadeed.

Golaha Guurtida Somaliland oo mar qura lasoo xulay ayaa muddo kororsi sameysanayey, mana dhicin doorasho kale tan iyo intii la dhisay.