WAR CUSUB: Maamul Goboleedyada oo joojiyey wada-shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda DFS-

Dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka ayaa shaaciyey inay joojiyeen xiriirkii iyo wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Wasaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomalaiya.

Qorala wadajir ah oo kasoo baxay Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, K/Galbeed iyo Hirshabelele ayaa lagu sheegay inay gebi ahaanba joojiyeen wada-shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka.

Waxay ku eedeeyay inay Wasaaradda Maaliyadda si bareer u baal martay dhammaan heshiisyadii horay u dhex maray Wasaaradda iyo Maamul Goboleedyada oo sanado badan lagu soo shaqeynayay.

Kulan ay Khadka Internet-ka ku yeesheen Shanta wasiir ee Maaliyadda Dowlad goboleedyada ayaa Qoraalkooda ku sheegay inaysan jirin doonin wax wada shaqeyn oo ay la yeeshaan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka inta y ku soo laabaneyso xeyndaabka sharci iyo fulinta heshiisyadii ay horay galeen.

“Markay caddaatay in Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ay si bareer ah u baalmartay, una jabisay heshiisyada sare ku xusan, waxaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30 Agosto, 2022 Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Konfur Galbeed iyo Hirshabeele joojiyeen dhammaan wada shaqenta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, inta ay Wasaaraddu ku soo laabanayso xayndaabka sharci iyo fulinta heshiisyada kor ku xusan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiirada qoraalka saxiixay.

1. Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland

2. Farxaan Cali Maxamuud -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Gulmudu-

3. Xuseen Xirsi Axmed Wasiirka Wasaaradela Maaliyadda Jubaland

4. Axmed Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed

5. Cali Cabdalle Nuur Wasiirku Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeele