Golaha Amniga Q/Midoobay oo mudadda u kordhiyey Xafiiskooda Siyaasadda Somaliya ee UNSOM/

Dalalka Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa wadajir ugu codeeyay in muddo sanad ah loo kordhiyo Howlgalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM.

Dib u eegistii istaraatiijiyadeed ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku sameeyay Howlgalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kadib Golaha Ammaanka ayaa muddadii hawlgalka ee Soomaaliyaoo lagu daray hal sano oo cusub ilaa Oktoobar 2023.

Xubnaha golaha ayaa sida oo kale cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee labo maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.Goluhu waxa uu ka codsaday UNSOM in ay ilaaliso isla mar ahaantaana xoojiso joogitaankeeda guud ahaan Soomaaliya iyo in ay sii wadaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dalkaas iyo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

Waxaa goobta ku sugnaa oo ka hadlay safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle oo mahadcelin kaddib sheegay in Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay dib u cusboonaysiiso ballanqaadkeeda ku wajahan shacabka Soomaaliyeed, ayna xoojiso isku xirka hay’adaha kala duwan.