Kacdoon Beeleed oo Xasan Sheekh kasoo wajahay magacaabidii Guddoomiyaha G/Banadir.

Diidmo culus iyo kacdoon Beeleed ayaa madaxweyne Xasan Sheekh kasoo wajahay magacaabidii guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo uu shalay mar labaad usoo magacaabay Yuusuf Xuseen Jmcaale.

Xildhibaananda, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beelaha Galmaax oo ku doodaya inay awood qeybsi ahaan iyo sharciyad u leeyihiin xilka Guddoonka Gobolka Banaadir ayaa ka hor yimid Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna Muqdisho ka wadaan shirar iyo abaabull cusub.

Xildhibaanka Golaha Shacabka ee beelahani Col. Cusmaan Xaadoole ayaa hoggaaminaya kacdoonka ay beeshaan kala hor tmid madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana shirarka socda ka dhex muuqda guddoomiyiyaashii hore ee Gobolka Banaadir Jen. Xasan Muungaab, Cadde Gaabow, saraakiil iyo siyaasiyiin kale.

Laba xildhibaan oo ku jufo ah Madaxeynaha (Yaasiin Farey iyo Maxamed Cajiib) ayaa iskood isugu xil saaray inay arrinta dhex galaan, balse waxay ku fashilmeen markii ay ku gacan seyreen dhinac kale. Farriimaha Xasan Sheekh ee la gaarsiiyey ayaa ah in la siinayo xilal kale oo safiiro ku jiraan.

Xaaladda ayaa la sheegay inay cakiran tahay, iyadoo xildhibaan Cusmaan Xaadoole uu diiday dhammaan waanwaantii iyo farriimihii uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh si arrinta loo xaliyo

Dhibatada ugu weyn ayaa ka taagan ballantii uu Xasan Sheekh uga baxay xildhibaanka iyo Odayaasha Beeshan, waxaana arrintan ay noqotay daiidmadii ugu cusleyd ee ka hor timaada Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu kusoo laabtay Villa Somaliya oo hadda u muuqda inuusan xitaa Beeshiisa heshiis la ahayn.