Maamulka gobalka Banaadir oo war-murtiyeed ka soo saaray shirka banbaxa gobalka Banaadir.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka banbaxa maamulka gobalka Banaadir, kaas oo muddo afar maalin ah.

Shirkaan ayaa looga hadlayay howlaha iyo qorshooyinka maamulka gobalka Banaadir, waxaana shirka ka soo qaybgalay guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ku-xigeennada maamulka gobalka, guddoomiyayaasha gobalka Banaadir.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka maamulka gobalka Banaadir

WAR-MURTIYEED SHIRKA BANBAX

10-14 JANAAYO, 2023
MUQDISHO, SOMALIA

Shirka banbaxa maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho 10-14 ka Janaayo 2023, oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Guddoomiye ku xigeennada maamulka iyo Maaliyadda, Amniga iyo Siyaasadda, Taliyaha Ciidaanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Howlaha Guud, Arrimaha Bulshada, Xog-hayaha Guud, Guddoomiyaash degmooyinka & Deegaanada, Taliska Ciidanka Ilaalinta  Deegaanka Xamar, Madaxda Guddiyada, Agaasimeyaasha guud, Agaasime waaxeedyada, Xisaabiyaha Guud, Garyaqaanka Guud, Guddoomiyaha Guddiga Shaaqaalagha Gobolka Banaaadir, Maareeyaha Machadka Dowlada Hoose ee Xamar, Guddoomiyaha Xallinta Khilaafaadka Dhulka, Guddoomiyaha Ururka Haweynka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Naadiga Minishibiyo, Kaaliyaal, Wakiillo, iyo la taliyayaasha sare ee Maamulka ayaa looga hadlay wadiiqooyinka lagu xaqiijin karo ahdaafta guud ee Gobolka Banaadir oo ku saleysan; Ammaanka, Dimuqaraadiyeynta iyo dhismaha Maamul hufan oo u adeega bulshada deggan Magaalada Muqdisho iyo dhameystirka adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha.

Si loo xaqiijiyo ujeeddooyinkaas ayuu maamulku ka dooday:

  • Qalfoofta istaraatiijiyadda guud ee 5ta sano ee soo socoto (2023-2027)
  • Qorshe hawleed ay ku dhan yihiin dhammaan howlaha sanadka 2023 u qorsheysan Maamulka Gobolka Banaadir.
  • Dib-u-eegista shuruucda maamul ee Gobolku ku hawlagalo
  • Dib-u-eegista Qaab-dhismeedka maamulka Gobolka Banaadir
  • Dhaqangalka nidaam maaliyadeed hufan oo ku saleysan miisaaniyad.

Mas’uuliyiinta ayaa arrimahaan kor ku xusan is-dul taagay, iyada oo wadajir loo falanqeeyay talooyinka ay xeeldheerayaasha arrimahaan soo bandhigeen, isla markaana wax ka beddel iyo wax ku daridba lagu sameeyay dhammaan qodobada la soo gudbiyay, kadibna si wadar oggol ah loo meel mariyay:

  1. Shirka ayaa si weyn u bogaadiyey qabashada kulanka noocaan ah ee ah markii 1aad, wuxuuna shirku soo jeediyay in kulanka noocaan ah la qabto sanad walba, si loo dardargeliyo hawlaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ugu horreyso nabad gelyada, kobcinta dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada bulshada.
  2. Inta uu socday shirka ayaa aad loo dhiirigaliyay muhiimadda ay leedahay in adeegga ay qabtaan hawlwadeennada kala duwan ee maamulka ay u gutaan, si waafaqsan shareecada islaamka, lagana fogaado wax walba oo suurad xumeynaya shareecada, dhaqanka bulshada iyo guud ahaan dawlad wanaagga.
  3. Shirka ayaa la isku faray in si xooggan looga shaqeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan xuuraanka iyo xog-wadaagga la xiriira khataraha, si looga hortago dhagarta kooxda khawaarijta ah oo la joogo maalmihii ugu danbeeyay ee jiritaankooda, waxaana dhinaca kale la faray maamulada degmooyinka in ay xoojiyaan wacyigelinta dadweynaha, ee ku aaddan ka digista fikirka xagjirnimada iyo in meel looga soo wada jeesto kooxda argagaxisada ee khawaarijta lalana shaqeeyo hay’adaha amniga qaabilsan.
  4. Shirka ayaa talooyin wax ku ool ah ku biiriyay Qolfoofta guud ee Istiraatiijiyada horumarinta Muqdisho ee sanadka 2023-2027, waxaana la isla gartay in la qabyo tiro lana daahfuro 90 ka cisho ee soo socoto.
  5. Waxa uu shirweynaha isla qaatay Qorshaha Hawl-qabad ee Maamulka Gobolka Banaadir sanadka 2023 kaas oo ka kooban 5 tiir oo kala ah;
  • Amniga & Cadaaladda,
  • Siyaasadda loo dhanyahay,
  • Horumarinta dhaqaalaha & Dib u dhiska kaabayaasha,
  • Adeegyada bulshada sida (caafimaadka, waxbarasha, Xal u helidda Barakacayaasha iyo bilic soo celinta Magaalada)
  • Qodobo Qubane ah.

Qorshaha sanadkaan ayaa waxa uu ka kooban yahay ilaa 113 hiigsiyo oo ay tahay in la gaaro sanadka 2023, kuwaasi oo ay hoos imaan doonaan ilaa 565 hawlood oo lagu gaari karo hiigsiyadaasi.

  1. Shirka Banbaxa ayaa la isla gartay in ay muhiim tahay dhameystirka QAAB-DHISMEEDKA MAAMULKA Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose, si loo gaaro shaqo wanaag, waxqabad, iyo isla-xisaabtan, waxaana la go’aamiyay in dhawaan la soo saari doono QAAB-DHSIMEEDKA kuna soo bixi doono xeer Gudoomiye.
  2. Shirka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in si qoraal ah loo qeexo waajibaadka shaqo ee qeybaha, waaxaha iyo shaqaalaha maamulka si waafaqsan QAAB-DHISMEEDKA Maamulka, waxaana la go’aamiyay in loo saari doono guddi khubarro ah ee soo qabta hawshaasi sida ugu dhow.
  3. Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la awood siiyo lana tayeeyo Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyadoo dib u qaabayn lagu samayn doono sharciga ay ku dhisanyihiin iyo in loo sahlo agabka iyo aqoon dhiska ay u baahanyihiin si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
  4. Shirka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in kor loo qaado dakhliga maamulka ee ka yimaada ilaha kala duwan, dhanka kalena si hufan oo hortabinno leh loo isticmaalo dakhligaasi, iyadoo ahmiyadda la siinayo xuquuqda shaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
  5. Shirka ayaa go’aamiyay in dib u eegis iyo casriyeen lagu sameeyo habraacyada iyo xeerarkii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose, si ay ula jaanqaadaan casriga la joogo, iyagoo la waafajinayo waajibaadka shaqo ee uu u xilsaaran yahay maamulka iyo hannaan dawladeedka dalka ee nidaamka Fadaraalka.
  6. Shirka ayaa si gaar ah looga dooday muhiimmadda ay leedahay in la hagaajiyo nidaamka maaliyadda si waafaqsan sharciga maamulka maaliyadda dalka iyo nidaamyada kale ee la xiriira. Waxaa lagu go’aamiyay shirka in sida ugu dhow lagu soo dhameystiro hirgelinta nidaamka maaliyadda casirga ah, lana dhameystiro dhammaan kaabayaashiisa shaqo, si loo xaqiijyo hufnaan, daahfurnaan, kalsooni maaliyadeed iyo kobaca dakhliga oo la gaaro.
  7. Shirka ayaa lagu go’aamiyay in kor loo qaado, lana tayeeyo adeegyada bulshada ee uu Gobolku bixiyo sida; Nadaafadda, waxbarashada, caafimaadka iyo dhammaan adeegyada aasaasiga u ah nolosha iyo horumarka shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho.
  8. Si loo gaaro hufnaan, iyo hawl-qabad muuqda, waxaa uu Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka go’aamiyay in la xoojiyo awood ahaan, aqoon ahaan iyo farsamo ahaanba, Agaasinka Hanti-dhawrka Gudaha si ay u gutaan waajibkooda shaqo si madax-banaan.
  9. Iyada oo laga duulayo dhibaatada soo jirtay muddada fog ee xallinta khilaafaadka iyo dacwooyinka la xiriira dhulalka, waxa uu shirka go’aamiyay in dib u eegis lagu sameeyo habraacyada dhul bixinta iyo xallinta khilfaadyada ka dhasha dukumintiyada dhulka, si loo xaqiijiyo in gabi ahaan ba la dhameeyo dacwooyinka la xiriira dhulka, lana sameeyo nidaam diiwaangelin dhul oo casri ah (Land Management information system).
  10. Sidookale shirka ayaa si gaar ah ahmiyad u siiyay in la hirgaliyo xeerka Nadaafadda iyo maaraynta Qashinka si loo xaqiijiyo magaalo nadiif ah, cagaaran una muuqaal eg magaalooyinka dhiggeeda ah.
  11. Si loo helo wada shaqayn, daahfurnaan iyo isla xisaabtan ku aaddan hey’adaha aan dowliga ahayn ee isugu jira kuwa maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, waxa uu shirku go’aamiyay in la dhameystiro lana daadajiyo soo saarista xeerka hey’adaha aan dowliga ahayn (NGO by-law) kaas oo sahli doona wadashaqeynta hey’adaha iyo maamulka Gobolka Banaadir.
  12. Shirka ayaa sidoo kale waxaa la’isla gartay in la dardar galiyo hannaanka samaynta doorashooyinka golaha deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
  13. Shirka ayaa ugu danbayn hoosta ka xariiqay muhiimmadda wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo kuwa rayidka ah ee Gobolka Banaadir inta si rasmi ah loo hoos keenayo hay’adaha amni Maamulka Gobolka Banaadir, si loo gaaro Nabad iyo Barwaaqo. 

====Dhammaad====