Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka oo shir uga Furmay Magaalada Nairobi.

Waxa maanta shir muhiim ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Hey’adda Lacagta Adduunkaee IMF iyo Bangiga Adduunka. Shirkaan ayaa looga hadlaya arrimaha Maaliyadda, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shikraan si rasmi u furay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaan ay la yeelanayaan Hey’adda IMF diirada lagu saari doono halbeegyada dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaan uu dabaca socdo kulamo isdaba joog ah oo ay horrey u la yeesheen Madaxa Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka kuwaasi oo xoogga lagu saaray arrimaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Shirkaan ayaa socon doono muddo saddex maalin ah.

Shirkaan ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalaya Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Soomaaliya, Wasaaradda Batroolka, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha iyo Hey’adda Dowladda Federaalka Soomaaliya.