Weerar ku bilawday Qarax oo ka dhacay Xawaadleey.

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka alshabaab ay weerar ku bilawday qaraxyo ku qaadeen fariisimo ay ciidamada ku lahaayeen deegaanka.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale waxaa ka dhashay khasaaro hantiyadeed.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada dowladda, kuwa dadkeegaanka iyo ATMIS oo dhinac ah ay dagaal kula galeen deegaanka xubna ka tirsan ururka alshabaab.

Taliyihii guutada 3 aad qeybta 27 aad Col Abshir Shataqee, ayaa lasoo wariyay in uu ku geeriyooday dagaalka.