Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo codsi u gudbiyay ‘Raabidada Islaamka.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha iyo Bani’aadanimada ee Madaxweynaha DFS, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan kula qaatay magaalada Riyadh Xoghayaha Guud ee Raabidada caalamka Islaamka, ahna Guddoomiyaha Hay’adda culimada Islaamka Dr. Sheekh Maxamed Cabdikariim Al-ciisaa.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada abaaraha ee Soomaaliya iyo Raabidada caalamka iyo shacabka Sacuudiga ka qaadan karaan gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen, sida uu ku sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waxaan maanta magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga Kula kulmay xoghayaha guud ee Raabidada Caalamka Islaamka, ahna guddoomiyaha hay’adda Culimada Islaamka, Dr. Sheekh Maxamad Cabdikariin Al-ciisaa.”

“Waxaan Sheekha uga waramay xaaladda abaaraha Soomaaliya ka taagan iyo kaalinta ay Raabidada Caalamka iyo guud ahaan shacabka Sacuudiga ka qaadan karaan gurmadka abaaraha Soomaaliya.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhowaanahan socdaalo ku maraya dalalka khaliijka ayaa kala hadlaya madaxda uu la kulmay gurmadka abaaraha ka taagan dalka.