Laftagareen oo ka hadlay muranka ka taagan muddo xileedkiisa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka hadlay qodob dhaliyey muran siyaasadeed oo ku saabsan sharcinnimada muddo hal sano ah oo horey loogu daray muddo-xileedkiisa.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedkiisu ay dhammaatay 19-kii Diisambar, hase yeeshee waxa uu sheegay inay arrintaasi u taallo baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayuu ka jeediyey munaasabad lagu xusayey sannadguurada afraad ee markii xilkaas loo doortay.