Guddi ku taliyey in dacwad afar dambi ah lagu soo oogo Trump.

Guddiga Aqalka Wakiilada Mareykanka, ee baaraya weerarkii 6-dii Janaayo 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka, ayaa Isniintii weydiistay dacwad-oogayaasha inay dacwado la xiriira afar dambi kusoo oogaan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Codsiga uu guddigan ay hoggaamiyaan xisbiga Dimoqraadiga u diray Waaxda Cadaaladda – kadib markii ay wareysteen in ka badan 1,000 marqaati furayaal ah iyo ururinta boqolaal kun oo dokumenti – ayaa ka dhigan markii ugu horreysay taariikda ee Congress-ka dalbado in la maxkamadeeyo madaxweyne hore.

Codsigan kuma qasbayo dacwad-oogayaasha inay tallaabo qaadaan, hase yeeshee wuxuu imanaya xilli la-taliye gaar ah uu sidoo kale maamulayo laba baaritaan oo kale oo federal oo ka dhan ah Trump, kuwaas oo la xiriira isku daygii uu ku doonayo in lagu baabi’iyo natiijada doorashadii madaxweyne ee 2020, iyo inuu dokumentiyo sir ah ah ka saaray Aqalka Cad.

Guddiga ayaa weydiistay Waxada Cadaaladda inay Trump kusoo oogto afar dambi oo suurtagal ah, kuwaas oo kala ah; carqaladeynta tallaabooyinka rasmiga ah ee Congress-ka, shirqoolidda qiyaameynta Mareykanka, sameynta hadallo been ah iyo caawinta ama kicinta kacdoon.

“Kacdoonku waa diidmo ka dhan ah sharciyadda Mareykanka. Waa gef weyn oo federaal ah, oo ku qotoma dastuurka,” waxaa sidaas yiri Jamie Raskin, oo xubin ka ah guddiga kana tirsan xisbiga Dimoqraadiga.

Waaxda Cadaaladda ayaa diiday inay arrintan ka hadasho.

Dhinaca kale, Donald Trump ayaa guddiga ku eedeeyey “eedeyn been abuur ah” taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay isku day la doonayo in looga hor-istaago inuu mar kale isku sharxo xilka madaxweyne.

“Dacwooyinka been abuurka ah ee ay sameeyeen guddiga aan la dooran ee halka dhinac ah ee 6-dii Janaayo mar hore ayaa la gudbiyay, dacwad lasoo oogay sidoo kalena maxkamdeyn la sameeyey, waxayna aheyd Impeachment Hoax #2 [mooshinkii xil-ka-xayuubin ee Aqalka Wakiilada],” Trump ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social. “Waxaan uga guuleystay si muuqata.”

“Ganacsigan oo dhan ee dacwad igu soo oogista ah, wuxuu la mid yahay mooshinkii xil-ka-xayuubinta — isku daygaas oo hal dhinac-ahaa oo la doonayey in aniga iyo xisbiga Jamhuuriga na lagu curyaamiyo,” ayuu yiri.