Madaxweynaha Soomaaliya oo Washington kula kulmay masuuliyiin sare oo katirsan dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Washinton DC ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay xoghayeyaasha wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kala hadlay Xoghaye Antony Blinken, iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin, xaaladda Soomaaliya ee sida dagaalka Al-Shabaab iyo abaaraha.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo qeyb ka ah madaxda lagu ee ka furmay magaalada Washington.

Mareykanka ayaa kamid ah saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya ka taageeraa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xoghayaha difaacaha Maraykanka Austin ayaa hoosta ka xariiqay in ay si firfircoon ula macaamilidoonaan Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka marti galiyay ciidamada Maraykanka.

Wuxuuna sheegay Maraykanku inuu ka taageerayo caqabadaha amni ee ka jira dalalkooda.